TFG-da oo ka Maarantay is-Kaashiga Galmudug

Jaaliyadda qurbajoogta ah ee ku abtirsada Dawlad-goboleedka Galmudug waxay taageero buuxda la garab-taagan tahay dhaliisha Madaxweyne Maxamad Axmad Caalin ka qabo magacaabidda Golaha Wasaaradaha TFG-da ayadoon lagala tashan maamulka Galmudug, sida uu farayo axdi-dhalanteedkii lagu gaaray Kampala.
Warar Keydmedia Online

Sida ku xusan go’aanki kampala, waxay ahayd in dawlad goboleedyada la aqoonsan yahay laga tixgeliyo dhismaha dawladda cusub oo loo magacaabay Raysul Wasaare C/weli M. Cali Gaas. Dawladdii waa la dhisay, maamulka Galmudugna lagama tashan qaab-dhismeedkeeda, sidaas awgeedna waxaa la jabiyey axdigii TFG-du Kampala ku sixiixday, ayaa mudane Maamad A. Caalin dunida usoo jeediyey.

Jaaliyadda qurbajoogta ah ee kasoo jeedda maamulka Galmudug waxay dareesan tahay in raysul wasaaraha cusub aysan ula muuqan doorka iskaashiga siyaasadeed ee dawlad-goboleedyadu ku leeyihiin jiritaanka dawladda dhexe, siiba kan Galmudug. Haddii Raysul Wasaaruhu garabmaray habmaamuuskii sidaas ku wajahanaa, Madaxweyne Shariif Axmad faragelin kuma samayn sidii loo sixi  lahaa wixii khaldamay.

Sida hadda muuqata, Dr. Cabdiweli M. Cali Gaas dan kama laha baxnaanita iskaashiga siyaasadeed ee Galmudug ku kabi karo nuxurka dawladnimada ee TFG-da, sidaas darteedna laga sugimayo inuu la yimaado rogaal-celin xambaarsan is-tixgelin iyo wadashaqayn hufan oo horleh.

Dawlad goboleedka Galmudug ma ahan kayd meel suran oo loo baxsado marka TFG-da ay soo fodsaarto dhacdo cusub oo danaynaysa wadashaqayn, is-taakulayn iyo is-tixgelin guud. So’aalaha hadda taagan waxaa kamid ah:
Ma hirgeli karaa heshiiskii Kampala marka la jabiyo qodob kamid ah qodobbadii lagu soo wada heshiiyeen?  Maxaa gabidhaclayntaasu maamulka TFG-da dhib u keeni kartaa?

Dhibka TFG-da aan weli u muuqan haddana dhici kara waxaa kamid ah:(b) Maamulka Galmudug oo lumiya kalsoonidii wadashaqaynta Dawladda Dhexe. (t) Dawladda cusub weyda codka kalsoonida Golaha Shacbiga. (j) UN-ka iyo EAGAD oo ku hungooba hawlgalka TFG-da. (x) Hawlqabadka dawladda cusub oo nuxur beela. (s) Xiriirka dawlad-goboleedyada iyo Dawladda Dhexe oo sii wiiqma. (sh) Dhaqdhaqaaqa kooxaha xag-jireenka ah oo sii tarma.(r) Dhammaystirka hawliha TFG-da qabyada u ah oo dib uga dhaca madasha bisha Agoosto 2012,iwm   

Maamulka Galmudug waa inuu TFG-da qoraal ahaan ugu gudbiyaa mowqifkiisa ku salaysan dhismaha dawladda cusub oo aan laga tixgelin.

Sidoo kale, maamulka Galmudug waa inuu qoraal ahaan  ugu gudbiyo UN-ka iyo ururka EGAD cabashada TFG-du ku jabisey axdigii Kampala.

Gudomiyaha Galmudug Diaspora - M. I. Adan

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.