TFG-da oo ku hanjabtay in ay Kismaayo qabsaneyso

Kismaayo (Keydmedia) - Ka dib marki ciidamo ka tirsna Dowlada KMG Soomaaliya uu tababar ugu soodhamaaday dalalka Kenya iyo Ethiopia ayaa waxaa dowlada KMG Soomaaliya ay ku hanjabtay inay weerarayso magaalada kismaayo.
Warar Keydmedia Online

Taliyaha qeybta holwgalgelinta ciidamada dowlada Generaal Yuusuf Cismaan Xuseen Dhuumaal oo la hadlay kumanaan ka tirsan ciidamada usoo dhamaaday tababarka ayaa sheegay in sida uga dhaqsiyaha badan ay ula wareegi doonaan Kismaayo oo ah xarunta Gobalka Jubbada Hoose.

Magaalada Kismaayo waxay ka mid tahay 10 magaalo oo dowlada Kenya ay sheegtay inay duqeymoka geysanayso oo ku yaala dalka Soomaaliya.

Waa magaalo ay ka taliyaan Ururka Alshabaab oo dagaal xoogan uu kala dhaxeeyo dowlada KMG Soomaaliya.

Dadka ku dhaqan Kismaayo ayaa waxa iminka soo wajahay cabsi xoogan oo saameyn dagaalada ay ku yeeshaan.

Keydmedia.net - Xafiiska Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.