Tirada Caruurta u geeriyooneysa nafaqa darrada oo kordheysa

Waxaa kordhaya tirada caruurta u geeriyooneysa nafaqo darrida, waxaana la soo warinayaa kiisas hor leh.

Warar Keydmedia Online
Tirada Caruurta u geeriyooneysa nafaqa darrada oo kordheysa

KISMAAYO, Soomaaliya - sacaadihii ugu danneeyey waxaa isbitalka magaalada Kismaayo xaalad nafaqo darro ugu geeriyooday tiro caruur ah.

Caruurta geeriyootay ayaa tiradooda lagu sheegay 30 caruur ah, waxaana la soo gudboonaatay nafaqo darro aad u baahsan.

Abaarta darran ee dalka ka jirta, ayaa keeneysa nafaqo darrada baahsan ee ay dhaxlayaan dhalaanka Soomaaliyeed, maaddaama ay yihiin kuwa ugu nugul ee ay abaartu saameysay.

Todobaadkii aynu ka soo gudbnay ayey ahayd markii magaalooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ay nafaqo darro ugu geeriyoodeen, caruur tiradoodu kor u dhaafeyso 10 dhalaan ah.

Xaaladda abaar ee dalka ka jirta ayaa ah mid halis badan, welina dadku ma helin gurmad rasmi ah oo looga jawaabayo waayaha adag ee ay ku sugan yihiin.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.