Tirada Kiisaska COVID-19 ee Soomaaliya oo hoos u dhacday

Wasaaradda Caafimaadka dalka ayaanan mudo todobaadyo ah diiwaan-gelin wax dhimasho ah oo Caabuqa uu sababay, iyadoo arintaasina aad loo soo dhaweeyay.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoos u dhac ayaa ku yimid kiisaska Coronavirus-ka Soomaaliya laga heli jiray maalin walba, iyadoo Wasaaradda Caafimaadka sheegtay inay socdaan dedaallo lagu xakameynayo fidista Cudurka bulshada dhexdeeda.

Waxaa la diiwaan-geliyay labadii maalmood ee lasoo dhaafay 13 kiis oo cudurka uu soo ritay, iyadoo aan jirin wax dhimasho ah oo la xaqiijiyay mudo todobaadyo ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee dowaldda Soomaaliya.

Somaliland: 5  Jubbaland: 4 Banaadir: 2  iyoGalmudug: 2.

Tirada guud ahaan dadka uu ku dhacay Soomaaliya waxay maraysaa 3,051, waxaana bogsatay 1,264, halka 92 qof ay dhinteen tan iyo markii Cudurka uu ka dilaacay wadanka bishii Maarso ee sanadkan 2020.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.