KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo booqday Turkiga ayaa markii uu dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho wuxuu sheegay in maamulka magaalada Istanbul uu kala soo hadlay waxyaabo badan Horumarka Muqdisho.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wuxuu xusay in Maamulka Istanbul ee wadanka Turkiga ay isku afgarteen waxyaabo badan oo ay qeyb ka ahaayeen in Horumar weyn laga sameeyo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo sidoo kale in dib u dhis lagu sameeyo Dhismooyinka bur bursan ee ku yaala Caasimadda Muqdisho.
Tarsan ayaa sidoo kale haldalkiisa intaa raaciyey in haatan la midaynayo Magaalooyinka Muqdisho iyo waliba Istanbul, wuxuu intaa ku daray in uu kormeer ku tagay Goobaha ay wax ku bartaan Ardayda Soomaaliyeed ee fursadaha Waxbarasho ka helay Wadankaasi.
Keydmedia.net - Xafiiska, Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.