KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Safiirku waxaa uu sheegay in hawsha ugu muhiimsan ee u baahan in wax laga qabto xilligaan Soomaaliya marka loo eego inay tahay nabada iyo in lagu dadaalo sidii amaanka looga shaqeyn lahaa oo uu sheegay inay safaaraddu dawlada kala shaqeyn doonto
“Waxaan sameyn doonaa wax walba oo amaanka Soomaaliya lagu dajin karo iyadoo loo marayo hab diplomaasiyadeed Turkigana door muuqda ayay ka qaadanaysaa sidii dalka nabad loogu soo celin lahaa” ayuu yiri safiirka Turkiga ee Soomaaliya
Safiirka oo waraysigii ugu horeeyay bixiyay tan iyo markii loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in baahida ugu badan ee Soomaaliya ka jirta ay tahay nabada taasina ay u baahan tahay in lagala shaqeeyo dawlada KMG ee Soomaaliya waxaana uu sidoo kale xusay inay ka shaqeynayaan sidii ay iskugu imaan lahaayeen dhinacyada Soomaalida ah ee siyaasadda isku haya si ay u suuro gasho buu yiri in dhinacyada is qilaafsan ay si nabadi ku jirto hubka u dhigaan tubta nabada u qaadaan.
Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.