Telefishinka Qaranka oo qoraal uu ka saaray dib ugu soo celiyay

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay geerida madaxweynaha waddanka Chad oo la toogtay, qoraal ay uga hadlayeen geerida madaxweynahaasi ayey ka saareen, iyagoo mar kale dib ugu soo celiyay

Warar Keydmedia Online
Telefishinka Qaranka oo qoraal uu ka saaray dib ugu soo celiyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Hadal-heyn xoog leh ayaa ka dhalatay war qoraal ah oo Taleefishinka Qaranka Soomaaliyeed uu baahiyay kaasoo la xiriiray geerida madaxweynaha waddanka Chad oo sida ay warbaahintu sheegtay la toogtay.

Warbixintaasi waxaa ka dhashay fal-celin taban oo ay dhiibanayeen dadka ku xiran bogga rasmiga ah ee Taleefishinka Qaranka Soomaaliyeed, falcelintaasi ayaa waxay sababtay in laga saaro qoraalkaasi, waxaana warbaahinta gudaha iyo tan dibadda aya si xoog leh uga hadleen warka ku saabsan geerida madaxweynaha la toogtay iyo in TV -ga Qaranka uu ka saaray warbixintaasi.

Muddo saacado ah kaddib ayaa mar kale boggii hore ee TV -ga Qaranka Soomaaliyeed ee laga saaray warbixinta mar kale dib usoo daabacay, iyadoo qoraalka aan waxba laga baddalin. Taasi waxaa sababay ayaa la leeyahay hadal-heynta warbaahinta oo durbadiisa ka bixisay fasiraad kala duwan waxayna ku qasabtay maamulka warbaahinta ku hadasha afka dowladda in ay dib u soo saaraan qoraalka.

Halkan hoose ka eeg labada qoraal midkii hore ee la saaray iyo kan hadda dib loogu soo celiyay:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.