U.S & UK oo ka hadlay xaaladda cakiran ee Somaliland

Washington waxa ay carrabawday in burburka wadahadallada iyo guuldarada in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka ay khatar ku tahay guulaha Somaliland ka gaartay dimuqraadiyadda, taasoo muujineysa farriin ku socota xukuumadda talada heysa.

Warar Keydmedia Online
U.S & UK oo ka hadlay xaaladda cakiran ee Somaliland

HARGEYSA, Soomaaliya - Madaxa xafiiska Dowladda Ingiriiska ku leedahay magaalaada Hargeysa Lizzie Walker, ayaa ugu baaqday Madaxda maamulka Soomaaliland, mucaarad iyo muxaafidba in ay ka fogaadaan tallaabooyinka abuuri kara in xaaladdu faraha ka baxdo.

Lizzie waxa ay sheegtay in qof kastaa  uu xaq u leeyahay xorna u yahay isu imaatin iyo  abaabulka kulamo nabadeed. “Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay u dhaqmaan si nabdoon oo ay u hoggansamaan sharciga”. Ayay tiri Lizzie Walker.

“Waxaan carabka ku adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in madaxdu dib ugu laabtaan wada-hadallda, si ay is afgarad uga gaaraan qorshe-hawleedka doorasho iyadoo la ilaalinayo nabadda, xasilloonida iyo dimuqraadiyadda Somaliland”. Ayay ku sii dartay.

Dhanka kale, Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo war ka soo saartay xiisadda siyaasadeed ee ka aloosan Somaliland, ayaa ku baaqday in mucaarad iyo muxaafidba ka fogaadaan abuuritaanka rabshado sababi kara in xaalka la xakamayn waayo.

“Waxaan si adag ugu baaqaynaa madaxda talada haysa iyo kuwa mucaaradka ah ee Somaliland in ay ka fogaadaan rabshada inta ay socdaan mudaharaadyada, si degdeg ahna ugu laabtaan wada hadal siyaasadeed”. Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Mareykanka.

Washington waxa ay carrabawday in burburka wadahadallada iyo guuldarada in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka ay khatar ku tahay guulaha Somaliland ka gaartay dimuqraadiyadda, taasoo muujineysa farriin ku socota xukuumadda talada heysa.

Heshiis la’aanta doorashooyiinka iyo burburka wada-xaajoodyada muxaafidka iyo mucaaradka ayaa sababay in hoggaamiyayaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI, taageerayaashooda ugu baaqaan in ay maanta dib u billaabaan mudaharaadyada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.