Ugandha oo Ka Hadashay Askar Looga DIlay Shabeellaha Hoose

Muqdisho (KON)- Dowladda Ugandha ayaa markii ugu horeysay ka hadshay askar ka tirsan Ciidamadeeda islamarkaasna qeybta ka ah howlgalka AMISOM kuwaasoo khamiistii la soo dhaafay lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka Garoonka Balli-doogle.
Warar Keydmedia Online

Afhayeenka Militariga Ugandha Flex Kaliug oo ka hadlay dilka askarta ayaa xaqiijiyay in afar ka tirsan askartooda lagu dilay weerar ka dhacay duleedka Garoonka Balli-doogle ee gobbolka Shabeellaha Hoose.

Mr Flex Kaliug wuxuu sheegay in dilka askarta ay ka dambeeyaan Kooxda Shabaab oo dagaal kula jirta Ciidamada AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya.

Hadalka ka soo yeeray Ugandha ayaa imaanaya xili Kooxda Shabaab ay maalmo ka hor sheegteen in 29 askari ay ku dileen dagaal ka dhacay qeybo badan oo ka tirsan gobbolka Shabeellaha Hoose.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.