Ujeedka Safarka RW Rooble ee London

Waxa uu ku sugnaan doonaa London muddo maalmo ah, isagoo la filayo inuu la kulmo madax kala duwan oo shirka ka qeybgalaysa.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Ingiriiska , halkaas oo uu uga qeyb galayo Shirka Caalamiga ah ee sara u qaadista tayada waxbarashada Carruurta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa  inta uu joogo UK waxa uu la kulmi doonaa  Ra’iisul Wasaare Boris Johnson, Madax iyo Mas’uuliyiin kale oo shirka Arbacada furmaya ka qeybgalaya. RW Rooble ayaa dalka ka tagey iyadoo ay doorashadda dib u dhacday, islamarkaana aan la xalin khilaafyada iyo caqabadaha taagan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.