UNICEF oo wakiil u soo magacaawday Soomaaliya

Sii-hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee UNICEF u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
UNICEF oo wakiil u soo magacaawday Soomaaliya

MQDISHO, Soomaaliya -  Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusman, ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) Marwo Wafaa ElFadil Siciid Abdelatef.

Magacaabidda danjirahaan, ayaa ku soo aadaya xilli ku dhawaad labo milyan oo carruur ah, ay qeyb ka yihiin dadka abaaruhu saameeyeen, halka in ka badan 400,000 oo carruurtaas ka mid ah nafa-darro hadda wajahayaan, waana xilli ay lama huraan tahay in la helo garab istaagga Qaramada Midoobay iyo hay’addeeda kale ee gargaarka.

Xaaladda adag ee ka taagan Soomaaliya iyo guud ahaan dalalka kale ee Geeska Afrika ayaa sababay in carruur badan wax-yeelloobaan, isla-markaana waayaan adeegyadii aas-aasiga ahaa, Danjiraha cusub ee UNICEF, ayaa ballan qaadday in ay degdeg ugu istaagi doonto, sidii ay wax uga qaban lahaayeen tirada sii kordhaysa ee dhibaatooyinka.

Afar xilli roobaad oo xiriir ah oo aan di’in, oo ay wehliyaan colaado ka taagan qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka, ayaa saameyn ku yeeshay kala bar dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo wajahaya xaalado abaareed oo aad u daran, in ka badan 800,000, oo qof ayaa guryahooda ka barakacay iyagoo raadinaya cunto iyo biyo nadiif ah.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa dhawaan kulan la qaatay Maxamad Cabdi Afeey oo ah Ergeyga Hay’adda  Qaxootiga Aduunka ee UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika, kaasoo looga hadlay arrimaha abaaraha.

Wafti uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa maanta gaaray magaalada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo uu ugu kuur-gali doono xaaladaha abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu saameeyeen, isagoo kormeer iyo indha-indheyn ku tagaya, xeryo barakac oo ku yaalla duleedka magaaada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.