Ururka NUSOJ oo Cambaareeyay Maqaal lagu soo daabacay Wargeyska “Guardian”

Muqdisho (KON) - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa Maqaal lagu soo daabacay Wargeyska "The Guardian" oo ka soo baxa Dalka Ingriiska cambaareeyay.
Warar Keydmedia Online

Ururka ayaa sheegay in meel loogaga dhacay Sharafka Saxafiyiinta Soomaaliyeed meel walba ey joogaan.

Maqaalkaan oo uu Qoray Wariyo lagu Magacaabo Jamaal Cusmaan oo bishaan 11keeda lagu soo daabacay Wargeyskaan ayaa "loogu qiil sameynayo dilka iyo weerarrada lagu haayo Saxafiyiinta dalka ku sugan" ayuu yiri xoghayaha Ururka suxufiyiinta.

Xoghayaha Ururka suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ Maxamed Ibaraahim Bakistaan ayaa yiri "Maqaalkaan waxaa Qoray Nin sheegtay in uu Suxufi yahay oo uu ku sheegay qormadiisa in dilalka suxufiyiinta loo geysanayo ay iyagu keeynsadeen taasnah ma qaadan karno"

Jamaal Cusmaan oo Soomaali ah ayaa Wariyaasha Soomaaliyeed oo Dalka ka howlgala ku tilmaamay kuwa Qaata Laaluush si ey u dilaan Wariyaal kale kuna dhaqmaan Qaab Qabiil oo aysan xirfad ku shaqeysan.

Xogahaya Ururuka suxufiiyiinta Qaranka ayaa sheegay in arintani ay tallaabo muuqato ka qaadi doonaan Wariyaasha Soomaliyeedna ay ka dhiidhin doonaan meelka dhaca loo geystay.

Abwaan Cismaan C/llaahi Guure oo ah guddoomiyaha warbaahinta Kulmiye ayaa wax laga xumaaddo ku tilmaamay hadalkaasi deelqaafka ku ah Saxafiyiinra Soomaaliyeed isagoo intaa ku daray in Jamaal uu aqoon u leeyahay isla markaana uu yahay shaqsi xiriir la leh kooxda Al-shabaab.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.