USAID & UKAID oo barnaamika IRIS ka caawinaya Soomaaliya

Daah-furka barnaamijkan ka qayb galay Wasiiradda Qorshaynta, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xanaannada Xoolaha, Beeraha iyo Waraabka, Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo Safiirka Maraykanka, Safiir ku Xigeenka Britain iyo madaxa Hay’adda USAID.

Warar Keydmedia Online
USAID & UKAID oo barnaamika IRIS ka caawinaya Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay barnaamijka taageerada dadka jilicsan ee abaaruhu samaayeen, kaas oo ay maalgalinayaan Dowladaha Maraykanka iyo Britain.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Xukuumadda, mashruucan oo socon doona muddo 5 sanno ah, waxaa u-jeedkiisu yahay in la hormariyo nolosha dadka nugul ee ku nool miyiga iyo magaalooyinka iyadoo sare loo qaadayo koboca dhaqaalaha bulshadada danyarta ah.

“Mashruuca waxaa maal-gelinaya heyadaha USAID iyo UKAID, waxuuna ka koobanyahay, Awoodsiinta iyo taageerada dhallinyarada, Dhiirrigelinta wax soosaarka gudaha, Kobcinta dhaqaalaha, Kalluumaysiga iyo Xoolaha nool”, ayaa lagu yiri warka Xukuumadda.

Saalax Axmed oo ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in maashruucan wax-wayn u tari doono bulshada nugul ee Soomaaliyeed, sidaa darted loo baahan yahay inay ka faa’iidaystaan, si shan sanno kadib ay uga maarmi karaan hay’adaha taakuleeya hadda.

Daah-furka barnaamijkan ayay ka qayb galen Wasiirada Qorshaynta, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xanaannada Xoolaha, Beeraha iyo Waraabka, Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo Safiirka Maraykanka, Safiir ku Xigeenka Britain iyo madaxa Hay’adda USAID.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer hore u dalbatay in laga gacan-siiyo  sidii loo maalgelin lahaa mashaariic lagu dhisayo u adkaysiga aafooyinka, sida; in maalgashi dhanka beeraha, xoolaha, kaluumaysiga, macdanta iyo shidaalka si ay u daboollaan baahiyaha.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.