KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dhawaan ayaa warbixin lagu daabacay wargeyska Newyork Times waxaa lagu sheegay in madaxweynaha qmwaqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo uu haysto dhalasho Kanadiyaan ah, Villa Somalia ayaa beenisay arrintaasi.
MUQDISHO, Soomaaliya - Villa Somalia ayaa waxay meesha ka saartay warbixinadii tilmaamayay in Madaxweyne Farmaajo uu si qarsoodi ah u haysto dhalashada & Baasaboorka waddanka Kanada (Canada).
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya oo la hadlayay BBC -da ayaa sheegay in Madaxweynaha uu heystay kaliya dhalasho Mareykan ah oo uu ka tanaasulay sanadkii 2019 isagoo intaa ku daray inuu hada haysto oo kaliya dhalashada waddankiisa Soomaaliya.
Warbixinta ay dhawaan daabacday New York Times ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu si qorsoodi ah uhaystay dhalashada waddanka Kanada oo daris la ah waddanka Mareykanka ee uu ku noolaa in muddo ah.
Agaasimaha ayaa sidoo kale diiday in Farmaajo dacwad lagu soo oogay, waxa uuna yiri "Haba yaraatee madaxweynaha weligii laguma soo oogin wax dacwad ah,” sidaasi si lamida waxa uu dafiray in uu wax door hoggaamineed ku lahaa Jaaliyadda Buffalo ee waddanka Mareykanka!
Farmaajo ayaa cadaadiskii ugu badnaa kala kulmay siyaasiyiinta ka aragtida duwan, waxaana laga qoray warbixinno kala duwan kuwaasoo tilmaamaya xogo dadka ka qarsoonaa oo bannaanka lasoo dhigay! Warbaahinnada caalamiga ah ayaa baaritaanno ku sameeyay iyadoo warbixinta ay dhawaan qortay New York Times ay bannaanka keentay xogo dheeri ah oo dadka ka dahsoonaa.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.