KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxtooyadda ayaa horey u beenisay in kiiska Nile uu qeyb ka ahaa wadahadalka labada hogaamiye.
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa dib uga laabatay hadal uu warbaahinta u sheegay afhayeenka Cabdikariin Cali Kaar 27-kii bishan, oo la xiriiray arinta biyo xireenka webiga Nile.
Qoraal uu afhayeenka ku saxiixan yahay ayaa lagu sheegay in wadahadalkii Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh uu la yeeshay dhigiisa Masar Al-siisi uga hadleen muranka Nile.
Waxay labada Madaxweyne wadahadalkooda ku heshiiyeen in si wadar ah oo nabad ah lagu dhameeyo khilaafaadka gobolka Geeska Africa," ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxay u muuqataa inuu jiro cadaadis Villa Somalia uga yimid Masar, oo ku aadan hadalka Cabdikariin Kaar la wadaagey warbaahinta ee ku beeniyay in Al-Siisi iyo Xasan Sheekh kawada hadleen arinta muranka biyo xireenka Nile.
Shirkii jaraa'id ee labada hogaamiye, ayuu Al-siisi ku sheegay in Soomaaliya ay kasoo horjeysatay in Itoobiya kaligeed go'aan ka gaarto biyaha Nile, oo mara dalal dhowr ah.
Masar ayaa muranka kala dhaxeeya Itoobiya ee biyaha Nile geysay Mareykanka, UN-ka, Midowga Africa, Jaamacadda Carabta iyo Meelo kale iyadoo raadinaysa in la joojiyo mashruuca Nile oo Itoobiya ku bixisay $5.2 billion si ay koronto uga dhaliso.
Hadalka Kaar wuxuu muujinayaa in Soomaaliya la safatay Masar, taasoo ka careysiin karta Abiy Axmed, oo Xasan Sheekh la balansanaa kulan inay Addis Ababa ku yeeshaan dhawaan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.