KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dadka isticmaala baraha bulshada ee Internet-ka qaarkood ayaa sheegay in shaki laga qabo iska hor-imaadkii shalay ka dhacay Xabsiga Dhexe.
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmeyso iska hor-imaadkii shalay ka dhacay gudaha xabsiga Dhexe ee Muqdisho, kaasoo u dhexeeyay maxaabiis hub helay iyo ciidamada Asluubta ee wardiyaha ka haya Xabsiga.
Dadka wax ku qora barraha bulshada oo saacadihii la soo dhaafay aad u hadal hayay arintaan, ayaa ku tilmaamay mid abaabulkeeda leh, isla-markaana ka turjumaysa heerka ay gaarsiisan tahay habac-sanaanta ka jirta xabsiga iyo shakiga laga qabo isku milanka dowladda iyo Al-shabaab.
Dad badan ayaa aaminsan inaysan Shabaabka weerar ka dhex gaysan kari lahayn Xabsiga Dhexe ee Xamar, haddii aysan markaasi jirin gacan gudaha ah, waxaana su'aalo badan laga keenay suurta galnimada in maxaabiista ay gacanta ku dhigaan hub intaa la eg oo ay dhibaato ku geysan karaan.
Maxaabiistii shalay ka dhex dagaalamay Xabsiga Dhexe ayaa la sheegayaa in ay ku dagaalameen bistoolado, ayna qarxiyeen ku dhawaad lix Bambaano oo dhawaqooda laga maqlayay xaafadaha nawaaxiga degmooyinka Xamarweyne iyo Xamar-Jajab.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baaritaan ku sameyneyso dhacdadii Xabsiga Dhexe ee Xamar, haseyeeshee dad badan ayaa durbaba rajo xumo ka muujiyay in dowladda ka soo saari doonto natiijo daahfuran, meesheedana looga hari doono sida kal hore dhacday.
Villa Somalia ayaa fadeexad kala kulantay bulshada Soomaaliyeed, ka dib sida ay uga gaabisay inay bannaanka keento kuwii ka masuulka ahaa ismiidaamintii dadka badani ku dhinteen, ee 24-kii bishii Luulyo ee sanadkii 2019 ka dhacday Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, laguna dilay Gudoomiyihii Gobolka Banaadir ee xilligaa, Gudoomiye-yaal Degmo iyo Agaasime Waaxeedyo.
KEYDMEDIA ONLINE.
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.