Yaa loo magacaabayaa xilka Agaasimaha Madaxtooyada?

Madaxweynaha dhawaan-galka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu dhawaan magacaabo Agaasimaha Madaxtooyada.

Warar Keydmedia Online
Yaa loo magacaabayaa xilka Agaasimaha Madaxtooyada?

MUQDISHO, Soomaaaliya – Maaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu Xuseen Sheekh Maxamuud, u magacaabo Agaasimaha Madaxtooyada, kadib marka uu si buuxda ula wareego Xafiiska ugu sarreeya dalka saacadaha soo aaddan.

Xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxaa hore ugu fadhiyay, Maxamed Cabdullaahi Ciise, oo ka mid ahaa shaqsiyaadka aadka ugu dhow Fahad Yaasiin, kaasoo hadda hoggaan u ah guddiga qabanqaabiyay xil wareejinta Madaxweynihii hore.

Xuseen Sheekh Maxamuud, wuxuu ka tirsanaa Baarlamaankii 11-aad ee JFS, gaar ahaan Golaha Aqalka sare, wuxuuna ugu horreeyay shaqsiyaad uu Lafta-gareen ka hor istaagay u baratanka kuraastii uu ku fadhiyay, taasoo sababtay inuu kursigiisii lumiyo.

Xuseen Sheekh, wuxuu ka tirsan yahay Xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyo ee UPD, wuxuuna ka mid ahaa Xildhibaannadii aadka uga soo horjeeday nidaamkii Farmaajo ee siyaasadda qallafsan dalka ku maamulayay shantii sano ee la soo dhaafay.

Wuxuu noqon doonaa shaqsiga ugu horreeya ee uu xil u magacaabo Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, xilli la filayo in ay soo bixi doonaan, wareegtooyin degdeg ah, oo is-baddel loogu sameynayo hoggaanka hay’adaha amniga iyo dhaqaalaha.

Shaqsiyaadka u dhuun-duleela siyaasadda, ayaa soo jeedinaya in baaritaan ceyn kasta ah, lagu sameeyo Madaxtooyada, ka hor inta uusan maamulka cusub guda-galin howlihiisa shaqo, sababo la xariira hab-dhaqankii Kooxda Farmaajo ee shantii sano ee la soo dhaafay.

Dadka soo jeedintaan sameeyay, waxa ay ku doodayaan in Farmaajo 19 Febaraayo 2021, isku dayay inuu khaarijiyo MW Xasan, haddana Kooxdiisu qaadi karto tallaabo ka baxsan dhaqanka Madaxda, iyagoo kaamirooyoonka iyo cod-duubayaasha qarsoon ku xiri kara xaafiisyada si ay howlaha socda u basaasaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.