Waa maxay 5-ta qodob ee UAE u ballan qaadday Soomaaliya?

Madaxweynaha Imaaraadka, wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya iyo waftigiisa u ballan qaaday in dowladdiisu door muuqda ka qaadanayso gurmadka abaaraha ka jira dalka iyo dib u soo celinta taageeradoodii ku aaddaneed ammaanka iyo adeegyada bulshada.

Warar Keydmedia Online
Waa maxay 5-ta qodob ee UAE u ballan qaadday Soomaaliya?

ABU-DHABI, Imaaraad – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii shanaad ku sugan magaalada Abu Dhabi ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu kulan ku qaatay dhiggiisa dalkaas Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, kulanka Labada Madaxweyne ayaa lagu lafa guray hagaajinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka iyo fududeynta dal ku galka.

Afhayeenka Madaxtooyada Cabdikariin Cali Kaar, oo shir jaraa’id qabtay, kadib kulanka labada Madaxweyne ayaa sheegay in lagu heshiiyay fulinta shan qodob oo xilligaan muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, degdegna loogu baahan yahay hirgalkooda.

Dowadda Imaaraadku waxa ay ballan qaadday 20 Malyan oo ay ugu talo gashay dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, xilli ay xusid mudan tahay in Madaxweynaha dalkaas uu 19-kii May 2022 lacag ku dhow 10 Milyan oo doolar ugu deeqay Soomaaliya.

UAE waxa sidoo kale ballan qaadeen, In muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeyn doono Dal-ku-galka [Visaha] Imaaraadka, taasoo muhiimad weyn u leh ganacsatada Soomaaliyeed kuwaas oo $1.7 bilyan, sanadkii hore wax kaga iibsaday Dubai. 

Dhinacyadu waxa ay ku heshiiyeen in ay dib ay u bilowdaan duullimaadyadii shirkadaha diyaaradaha ee Imaaraadka Carabta, oo aan waddanka cagaha soo dhigin tan iyo burburkii Kacaankii Maxamed Siyaad Barre hoggaamiyay, waana fursad kale oo dalka muhiim u ah.

Waxaa dib loo furi doonaa Isbitaalka Sheekh Zayed ee imaaraadka ku lahaayeen Muqdishu, kaasoo la xiray kaddib muranka diblomaasiyaseed ee dhexmaray Dowladdii Farmaajo hoggaaminayay iyo Imaaraadka, taas oo ahayd siyaasadeyn howl Bani’aadmino.

Isbitaalkaas, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay bishii June 2015, waxaana mar kale lagu heshiiyay in dib loo howl-galiyo isagoo si lacag la’an ah ugu adeegi doona, bulshada Soomaaliyeed ee u baahan adeegyada caafimaad.

Sidoo kale, qodobbada lagu heshiiyay waxaa qeyb ka ah, In wafdi heer sare ah oo ka socda imaaraadka ay soo booqdaan Soomaaliya, waxaana fududeynta arrimahaas labada dal u saarayaan guddi ka shaqeeya sida ugu dhaqsiyaha badan.

Shantii sano ee la soo dhaafay, qiblada siyaasadeed ee Soomaaliya, wax ay ahayd Dooxa, haddase waxaa baddeshay Abuu Dhabi, calashaan Qatar waxaa baddelay Imaaraad, Tamim bin Hamad Al Thani, waxaa baddelay Mohamed bin Zayed Al Nahyan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.