KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Inkasoo dhawaanahaan hormar aan buurneyn la sameeyay, haddana tayo la’aanta jirta ee siyaasadaha, istraatiijiayadaha iyo qaab dhismeedka hey’adaha Dowladda ee ka shaqeya arrimaha abaaraha ayaa muskiladda sii siyaadiyay, waana halka ugu daran.
MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya waxaa ku dhufatay abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah roob yari awgeed sida ay ku dhawaaqeen hay’adaha caalamiga ee bani’adanimada, ergayga Madaxweynaha u qaabilsan gurmadka abaaraha iyo Dowladda Federaalka.
Sida ay dhinacyadu isku raaceen waxaa jira gaabis xooggan oo ku aaddan helidda gurmadki bani’aadannimo ee loo baahnaa, si looga hor tago in abaaruhu u gudbaan heerka macluusha, waxaana gaabiskaas lagu macneeyay dhawr arrrimood oo is biirsaday.
Ugu horreyn in xaalku halkaan gaaro waxaa sabab u ahaa la'aanta dowlad mandate leh oo lala macaamilo intii kala guurka lagu jiray sanadkii la soo dhaafay iyo in ay dalka ka taagnaayeen xiisado siyaasadeed oo salka ku hayay muran la xariiray doorashooyinka.
Sidoo kale, waxaa caqabadaha ku hor gudban gurmadka abaaraha ka mid ah, hay’adaha ama deeq-bixiyayaasha oo daalay (Donor Fatigue), dhaqaale xumo adduunka heysa oo ka dhalatay caabuqii Covid19, dagaalka Ukrain iyo sicir bararka dunidu la daalaa-dhacayso.
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuu dhawaan sheegay in ay jirto kala dhantaalnaan u dhaxeysa dhicayada ku howllan howlaha abaaraha, taasoo iyana caqabadaha qeyb ka ah.
Intaas waxaa sii dheer, gaari-waaga goobaha ay argagixisadu maamulaan, culeyska amni-xumida iyo loollanka ku salaysan waajibaadka iyo arrimaha isku dabaridka dhaqaalaha ee ka dhex jira hey’ahada dawladda iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa sidoo kale caqabad ah.
Inkasoo dhawaanahaan hormar aan buurneyn la sameeyay, haddana tayo la’aanta jirta ee siyaasadaha, istraatiijiayadaha iyo qaab dhismeedka hey’adaha Dowladda ee ka shaqeya arrimaha abaaraha ayaa muskiladda sii siyaadiyay, waana halka ugu daran.
Abaarta daran ee dalka ka jirta ayaa saameysay ku dhowaad 7.8 milyan oo qof, taasoo u dhiganta ku dhawaad 50% tirada guud ee dadka, sidoo kale hal milyan oo qof ayay barakicisay abaartu, waxaana jira boqallaal kun oo nafaqadarro la daalaa-dhacaya.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.