Heshiis halis ah; Laftagareen iyo Buffer Zone-ka Itoobiya

Ma jiro sharci u ogoollaanaya Madaxweyne maamul gobolleed inuu si iskiis ah heshiis amni ama mid military ula saxiixdo dowlad kale, waana hab-dhaqan ay muhiim tahay in meesha laga saaro, si weynna ay ula dagaallanto Dowladda federaalka oo amniga iyo xudduudaha masuul ka ah.

Warar Keydmedia Online
Heshiis halis ah; Laftagareen iyo Buffer Zone-ka Itoobiya

BAYDHABO, Soomaaliya – Ilo loo qaateen ah oo u warramay Keydmedia Online ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo dhawaan safar ku tagay Dowlad degaanka Soomaalida uu heshiis la galay Itoobiya.

Laftagareen ayaa saraakiil sarsare oo ka socday Addis ababa iyo hoggaanka maamulka Dowlad degaanka la saxiixday heshiis Itooobiya aag ay ka ilaalisho xuddudkeeda uga sameysaneyso gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Bay iyo Bakool.

Laftagareen oo khamiistii shir la yeeshay Wasiirrada Koofur galbeed ayaa sheegay in isaga iyo Mustafe Cagjar ay ka wada hadleen is kaashiga arrimaha Amniga,Waxbarasha iyo Ganacsiga, hayeeshee, ma uusan soo hadal qaadin heshiiska rasmiga ah ee uu saxiixay.

Mustafa Cagjar oo qudhiisu dhawaan yimid degaanno dhaca xadka labada dal, ayaa ku dhawaaqay in ay sameyn doonaan aag ka caaggan Kooxda Al-Shabaab oo ka baxasan xudduudka Itoobiya “Security Buffer Zone”, kaasoo si muuqata aan laga talo galin DFS.

Todobaadkii hore askar ka tirsan Militeriga Itoobiya oo ku hubeysan dabaabaad ciidan oo dhameystiran ayaa soo galay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Bay, Bakool iyo Gedo kuwaas la rumeysan yahay in ay fariisimo ka sameysan doonaan saddexda gobol.

Lama xaqiijin goobaha ay sida rasmiga ah u sal dhigan doonaan ciidankaas oo ka baxsan kuwa Itoobiya ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, Dowladda Soomaaliya wax hadal ah kama soo saarin, mana cadda inta uu la egyahay aaggan ay xiraneyso Itoobiya.

Muddo xileedka Madaxweynaha KGS ayaa ku eg dhamaadka sanadkaan, hayeeshee Laftagareen ayaa doonaya inuu ku darsado hal sano oo dheeraad ah, waana sababta uu isugu dhiibay Dowladda Itoobiya oo 19-kii December 2018 isaga kursiga u xoogtay.

Dhanka kale, waxaa jira warar sheegaya in maamulka Jubaland uu dhankiisa saxiixi dono heshiiskaas ay Itoobiya ku doonayso aag ay xukunto oo u gooni ah oo ku yaalla gudaha Soomaaliya, “Buffer Zone” iyadoo ku marmarsiyooneysa la dagaallanka Al-Shabaab, sida ay ogaatay Keydmedia Online. 

Dhawaan Wasiirka Amniga Jubaland Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa wax caadi ah ku tilmaamay dhaq-dhaqaaqyada ciidanka Itoobiya, wuxuu xusay in maamul ahaan ka warqabaan soo galitaanka ciidankaas ee gudaha Soomaaliya maamulkuna raalli ka yahay.

Itoobiya ayaa dooneysa in ay gacanta ku dhigto degmooyin ku yaalla Bay, Bakool iyo Hiiraan, si maamullada Koofur galbeed iyo Hirshabeelle looga xukumo Addis ababa, si la mid ah, sida Kenya u xukunto maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo.

Ma jiro sharci u ogoollaanaya Madaxweyne maamul gobolleed inuu si iskiis ah heshiis amni ama mid military ula saxiixdo dowlad kale, waana hab-dhaqan ay muhiim tahay in meesha laga saaro, si weynna ay ula dagaallanto Dowladda federaalka oo amniga iyo xudduudaha masuul ka ah.

Tallaabada Itoobiya ayaa ku soo aadday, markii uu meesha ka baxay Farmaajo oo ahaa saaxiibka Abiy Axmed, Itoobiya ayaana isku diyaarineysa in ay dib u soo celiso faragalintii Soomaaliya, Siciid Deni ayaa dhankiisa dhawaan tagay magaalada Addia ababa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.