Waa maxay qorshaha Farmaajo ee ka dhanka ah Ceel-waaq?

Tan iyo markii uu Maxamed Cabdullahi Farmaajo, noqday Madaxweynaha Soomaaliya, horraantii 2017, gobolka Gedo ayaa ahaa caqabad gobol, [Juballand] iyo mid heer federal, taasoo unuggeedu yahay xasarad qabiil iyo damaca boob doorasho

Warar Keydmedia Online
Waa maxay qorshaha Farmaajo ee ka dhanka ah Ceel-waaq?

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore Farmaajo ayaan wali ka quusan carqaladeynta dhameystirka doorashooyinka, wuxuuna billaabay qorshe cusub oo uu doonayo inuu ku qalqal galiyo doorshada 16-ka kursi ee Gobolka Gedo.

Sida ay xaqiijinayaan xogo ay Keydmedia Online, ka heleyso Madaxtooyada, Farmaajo ayaa labadii habeen ee la soo dhaafay kulamo la lahaa saraakiil ciidan, wuxuuna ku amray in ay is hor istaag ku sameeyaan doorashada Ceel-waaq oo dhawaan billaabaneysa.

Sidoo kale, wuxuu kulamo kala duwan la qaatay, xubno ku jira Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, oo dhankiisa u janjeera, wuxuuna ku wargaliyay in ay si degdeg ah ugu safraan Garbahaarrey, kuna qabtaan doorashada kuraasta taalla gobolkaas.

Xubno uu ku jiro Cabdishakuur Cali Mire, ayaa loo xir saaray karkarinta arrinkaan, waxaana magaalada tagi doona ciidan uu hoggaaminayo eedeysane Kullane Jiis, oo ay ku jiraan saraakiil Itoobiyaan ah, oo dhawaan uu kulamo kula qaatay degmada Doolow.

Dhawaan Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal [FEIT] ayaa degaan doorashada 2-aad ee Jubbaland, ka raray Garbahaarrey una baddelay Ceel-waaq, kadib hal sano oo maamulka magaaladas diideen in doorasho dhacdo iyagoo ka amar qaadanaya Farmaajo.

Guddigu wuxuu raridda kuraastaan u sababeeyay,  in ay lama huraan tahay in 16-ka kursi la doorto, ka hor int aan loo dareerin doorashooyinka Gudoonka Golayaasha iyo Madaxweynaha, wuxuuna sheegay in caqabad amni ka jirto magaalada Garbahaarrey.

Guddigu [GHDHF], wuxuu maamulka Garbahaareey, ku eedeeyay in ay hor istaageen xubno ka socday Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo magaalada ku tagi lahaa booqasho loogu kuur galayay xaaladaha amni, si doorashadu uga dhacdo.

Horraanba, Maamulka Juballand, gaar ahaa Guddiga SEIT ee heer Juballand, wuxuu soo saaray jadwalka doorashada 16-ka kursi ee loo raray Ceelwaaq, Madaxweyne ku xigeynka maamulkaas, ayaana sheegay in doorashooyin daah-furan dhici doonaan.

Tan iyo markii uu Maxamed Cabdullahi Farmaajo, noqday Madaxweynaha Soomaaliya, horraantii 2017, gobolka Gedo ayaa ahaa caqabad gobol, [Juballand] iyo mid heer federal, taasoo unuggeedu yahay xasarad qabiil iyo damaca boob doorasho.

Farmaajo, wuxuu dadaal xooggan ku bixiyay, siduu Gedo uga dhigi lahaa maamul si gooni ah u taagan oo si ku meel gaar ah uga madax bannaan Dowlad gobolleedka Juballand iyo Axmed Madoobe, taasina waxa ay sababtay inay gobolkaas ku habsadaan arrimo bani’adannimo oo daran.

Gedo waxa marti galisay dagaallo siyaasadeed iyo ku kuwo sokeeye oo Farmaajo abuuray, kuwaas oo sababay geerida iyo dhaawaca dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyo barakaca kumanaan qoys oo shacab ah, dagaalladaas waxa ay dhex mareen shaqsiyaad ka soo wada jeeda gobolka.

Gedo, waxaa ka dhacay abaar daran, gurmad gaar ah iska daaye, Farmaajo, wuxuu hor istaagay hay’ado caalami ah iyo waddamo doonayay in ay gargaar bani’aadannimo gaarsiyaan shacabka abaaru saameeyeen, si loo badbaadiyo nafta oonka iyo baahida u dhimaneysa.

Wuxuu geed dheer iyo mid gaaban u koray, sidii loo hor istaagi lahaa, garab istaag bini’aadannimo oo Kismaayo uga yimaada Garbahaarray, isagoo adeegsanaya saraakiil ku heyb ah oo ka tirsan hay’adda NISA, taas oo keentay in ay sii xumaado xaaladda nololeed ee danyarta.

Farmaajo, intaas iyo in ka badan oo dhibaato ah, ayuu gaarsiiyay Gedo, Madaxweynihii hore, wali iskuma dayin, inuu xal u helo xiisadaha iyo xasaradaha uu abuuray ee dadkiisu eedeen, wuxuuna wali u tafa-xeydan yahay , sii murjinta xaaladda gobolka, si uu danihiisa u gaaro.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.