Waa maxay u jeedka kulamada uu wado RW Xamse?

Xamsa wuxuu hore u soo noqday Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Jubaland (2019-2020); la-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DF (2015-2019), iyo la-taliye sare oo dhinaca maamulka ah Duqii Muqdisho (2014-2015).

Warar Keydmedia Online
Waa maxay u jeedka kulamada uu wado RW Xamse?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa wada kulamadii ugu danbeeyay oo uu ku doonayo karkarinta sidii uu ku heli lahaa ansixinta Golayaasha Baarlamaanka 11-aad ee JFS oo aan wali la hor geyn.

RW Xamasa wuxuu xalay guryahooda ku booqday, Madaxweynayaashii hore ee dalka Sharif Sheekh Axmed, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, kuwaasoo uu weydiistay in ay kala shaqeeyaan sidii uu ku heli lahaa codad buuxa.

Xamse ayaa hore ula soo kulmay Guddoomiyayaasha Golayasha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isagoo kala hadlay sidii ay ugu gacansiin lahaayeen inuu helo kalsoonida xubnaha labad Aqal ee Baarlamaanka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kulamo kala duwan la qaatay xildhibaanadda Barlamaanka JFS, kuwaasoo uu ka dalbaday in ay siinayaan codka kalsoonida marka  uu horyimaado Golayaasha, waxayna u ballan qaadeen  wada- shaqayn  wanaagsan.

Arbacadii shalay ayuu qorshuhu ahaa in Baarlamaanka Soomaaliya la hor geeyo Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban si uu ansixinta wakiillada shacabka u helo, hayeeshee, kulankaas ayaa baaqday kadib markii uu dheeraaday xilligii loo qorsheeyay socdaalka MW Xasan.

15 June 2022, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Ra’iisul Wasaaraha 21-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Xamse Cabdi Barre, oo ka mid ah xubnaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka – UPD.

Xamza Cabdi Barre ayaa ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS, wuxuuna ku fadhiyay kursiga HOP203, kaasoo 28-kii December 2021, lagu doortay magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.