KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhawaan u ambabixi doona waddanka Uganda.
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtigiisii sharciga ahaa dhamaaday ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maalmaha soo socda u safri doona Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda.
Sida ay ogaatay Keydmedia Online,u jeedka safarka Farmaajo, ayaa ah, ka qeyb galka caleema-saarka Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, oo dhawaan mar kale ku guuleystay doorashadii xilka Madaxweynahaa waddankaas.
Farmaajo, ayaa ka degi doona Kampala, talaadada soo socota oo ku beegan 12-ka May, waa ka hor inta aysan dhamaan bisha barakeysan ee Ramadaan, wuxuuna halkaas kula kulmi doonaa Madaxweynayaal kale oo ka socda wadamada Africa, kuwaas oo iyaguna kusoo wajahan Caasimadda Uganda.
Farmaajo, ayaa la rajeynayaa inuu Caaleema-saarkaan, kaga faa’iideysto, ololiyihiisa doorashada soo socota, waxaana hadda la sii qorsheeyay Madaxweynayaal ay Madaxtooyada Soomaaliya dooneyso in ay la kulanto, sida ay xaqiijinayaan ilo loo qaateen ah.
Yoweri Kaguta Museveni, ayaa dhawaan markii lixaad oo xariir ah ku guuleysaty doorashada xilka Madaxweynaha, wuxuuna majaraha Uganda hayaa tan iyo 1986.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.