Waa maxay u jeedka Safarka Safiirka Sweden ee gaaray Hiiraan?

Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Per Lindgarde iyo xubno kale oo ka socda beesha caalaamka ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta gobalka Hiiraan.

Warar Keydmedia Online
Waa maxay u jeedka Safarka Safiirka Sweden ee gaaray Hiiraan?

BALADWEYN, Soomaaliya -  Wafti ka socda beesha caalamka oo uu hor-kacayo Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Per Lindgarde, ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.

U jeedka safarka waftigaan ayaa ah kormeerka mashaariic biyo celin oo qaybo ka mid ah hore looga fuliyay magaalada, waxayna booqashu ku tageen degaanka Hilikilyo, oo ka mid ah goobaha biyo celinta laga sameeyay.

Per Lindgarde iyo kooxdiisu waxa ay hirgalin doonaan mashruc hor leh, oo wax looga qabanayo arrimaha fatahaadaha ee kusoo laablaabtay magaalada buuraha ku dhextaalla Wabiguna dhexmaro ee Baledweyn.

Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Per Lindgarde, wuxuu kulan la qaadan doonaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ‘Dabageed’, oo shalay magacaabay guddi heer wasiiro ah oo qaabilsan soo dhaweynta, iyo xog siinta wafigaan.

Hirshabeelle ayaa hore ugu eedeysay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay is hortaageen lacag loogu talagalay in wax lagaga qabto fatahaadaha Wabiga Shabeelle.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.