Waa maxay u-jeedka socdaalka MW Xasan ee Uganda?

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb geli doonaa madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo la gorfeyn doono iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca wax-soosaarka labada dal.

Warar Keydmedia Online
Waa maxay u-jeedka socdaalka MW Xasan ee Uganda?

KAMPALA, Uganda - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kampala ee Caasumadda dalka Uganda, halkaasoo ay uga billaabaneyso booqasho Saddex maalin ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Odongo Jeje Abubakhar, ayaa garoonka diyaaradaha calaamiga ah ee Entebbe ku soo dhaweeyey Madaxweynaha, isagoo salaaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee waddanka Uganda.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweynuhu wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga la qaadan doona dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb geli doonaa madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo la gorfeyn doono iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca wax-soosaarka labada dal.

Dalka Uganda ayaa ahaa dalkii ugu horreeyay ee ciidamo ugu deeqa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ciidamadii ugu horreeyay ee howlkaka tirsan ayaa horaantii 2007 yimid waddanka, askartii ugu horeeyay ee kasoo degay Muqdisho ayaa ahaa kuwa Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu hore ugu safray dalalka, Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti, Masar iyo Tansaaniya, safaka Uganda ayaana noqon doona midkiisii 8-aad isagoo aysan wali u buuxsamin boqolkiisa maalmood ee ugu horreya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.