KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Safarka Xasan Sheekh ayaa yimid kadib markii Puntland ay ku gacan seyrtay qorshihii RW Xamse Cabdi Barre ee ahaa in uu Garoowe gaaro todobaadkii hore, tallaabadaas oo muujineysa khilaaf siyaasadeed oo cusub kadib guuldaradii Deni ee doorashadii May.
GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha maamulkaas Siciid Cabdullaahi Deni.
Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotoma u kuur-galidda xaaladda abaaraha degaannada maamulka Puntland, dardargelinta dib-u-heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed iyo dhageysiga talooyinka la xiriira dowladnimada.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay Villa Somalia, Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Garowe kulammo la qaadan doona Madaxda maamulka, waxgaradka, isimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo culimada, ku dhaqan degaannada Puntland.
Madaxweynaha waxaa socdaalka ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada, Lataliyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha Federaalka, Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Dib u heshiisiinta iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada.
Safarka Xasan Sheekh ayaa yimid kadib markii Puntland ay ku gacan seyrtay qorshihii RW Xamse Cabdi Barre ee ahaa in uu Garoowe gaaro todobaadkii hore, tallaabadaas oo muujineysa khilaaf siyaasadeed oo cusub kadib guuldaradii Deni ee doorashadii May.
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, wuxuu dhawaan socdal ku tagay dalka Itoobiya gaar ahaan magaalada Addis ababa, halkaasoo maalmihii danbe laga falkinayay siyaasad lagu dhabar jabinayo cadaadis xooganna lagu saarayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
U jeedka ugu weyn ee socdaalka Madaxweynaha ayaa la rumeysan yahay inuu salka ku haayo xal raadin iyo sidii meesha looga saari lahaa tabashada hoggaanka Puntland oo bilo ka hor Xasan ay isku aragti ka ahayeen arrimo badan oo la xariira siyaasadda dalka.
Waa safarkii 3-aad ee uu Madaxweynuhu ku tago dowlad goboleedyada dalka ka jira kadib markii uu horay u soo maray Dowlad gobolleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug maalmo kadib markii uu xafiiska kala wareegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.