Waa Maxay xilka Mahad Salaad u magacaabay Iimaan Elman?

Keydmedia Online, ayaa xasuusata in Fahad Yaasiin uu xilkaan beegsi siyaasadeed uga qaaday, G/Sare Cabdullaahi Nuur Shirbow, isla-markaana ka jaray xuquuqaadkii uu lahaa, halka uu magacaabay Cabaas Yacquub oo adeegayaashiisa ka mid ahaa.

Warar Keydmedia Online
Waa Maxay xilka Mahad Salaad u magacaabay Iimaan Elman?

MUQDISHO, Soomaaliya – Agaasimaha cusub ee Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad, ayaa wali wada is-baddelka uu ku sameynayo hoggaanka qeybaha kala duwan ee hay’adda, xilli la rumeysan yahay in is-badalladu ay sii socon doonaan.

Mahad Salaaad, ayaa dhawan Taliyaha Hay’adda u qaabilsan Gobalka Banaadir u magacaabay Muxiddiin Maxamed Jimcaale [Warbac] halka uu Korneyl Xamdi Xasan Maxamuud, u magacaabay Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cadde.

Hadda waxaa soo baxaya, warar sheegaya in Hoggaanka Maaliyadda NISA loo magacaabay Iimaan Elman, oo uu dhalay sama-faliyihii caanka ahaa, Allaha u naxariistee Elman Cali Axmed, xilkaan ayaana ka mid ah, kuwa uu sida gaarka ah isha ugu hayay Mahad Salaad.

Keydmedia Online, ayaa xasuusata in Fahad Yaasiin uu xilkaan beegsi siyaasadeed uga qaaday, G/Sare Cabdullaahi Nuur Shirbow, isla-markaana ka jaray xuquuqaadkii uu lahaa, halka uu magacaabay Cabaas Yacquub oo adeegayaashiisa ka mid ahaa.

Imaan Elman, waa Soomaali-Canadian ka tirsan saraakiisha ciidan-ka, waxa ay ka soo jeedda qoys iyo waalid caan ku ah u doodidda nabadda, hooyadeed Fartun iyo walaaseed Ilwaad, ayaana wali gacanta ku haya Xarunta Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman.

Iimaan, waa walaasha, Almaas Elman, oo toogasho lagu dilay, 20 Noofambar 2019, taasoo iyana caan ku ahayd ka shaweynta arrimaha gargaarka bini'aadantinimo, halka aabaheed oo isla shaqadaas hayay la toogtay 1996-kii.

Iimaan, waxa ay ku biirtay militariga Soomaaliya 2011, waxayna dhowr jeer ka badbaadday isku day dil, hadda waa Gaashaanle Sare, waxayana sanadihii la soo dhaafay si dhow ula shaqeyneysay la howl-galayaasha shisheeye ee tababarrada siiya CXDS.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.