Waare: Farmaajo sidii Mursal ha isku dhiibo

Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay Maxamed Cabdullahi Farmaajo in uusan lahayn wax fursad ah oo mar kale loogu dooran karo madaxweynaha dalka.

Warar Keydmedia Online
Waare: Farmaajo sidii Mursal ha isku dhiibo

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihihii hore ee Maamulka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday in uusan isku dayin in uu u tartamo kursiga ugu sareeya dalka. 

Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay Maxamed Cabdullahi Farmaajo in uusan lahayn wax fursad ah oo mar kale loogu dooran karo madaxweynaha dalka.

“Madaxweynaha waxaa caalamad ugu filan doorashadii xalay, waa aragyaa tababartiisa inta ay le’eg tahay, weliba xoogaaga uu helay waxaa u keenay rag yaroo ka hari waayay oo uu talada ka diidi jiray,” ayuu yiri Waare.

Waare ayaa tilmaamay in Farmaajo iyo saaxiibadiisa siyaasadeed ay guul darro siyaasadeed oo xanuun badan kala kulmeen doorashada guddoonka Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose. 

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa isaga haray, tartanka, Guddoonka Golaha Shacabka, kadib markii uu ogaaday in uusan wax fursad ah heysan, lana dooraneyn qof Farmaajo ku daaban.

Maxamed Mursal, wuxuu qeyb ka ahaa mushakiladihii afartii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna hormuud u ahaa meel marintii muddo kordhintii sharci darrada ahayd ee 12-kii April 2021, taasoo sababtay gacan ka hadal iyo kala jab ciidan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.