KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Farmaajo ayaa sanadkii tagey oo kaliya sameeyay labo isku-day afgembi, oo ka fashilmay, waxayna taasi maraqaati ka yahay inuu raba dalka in uu xoog ku haysto xukunka.
MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynihii hore ee M/HirShabeelle, ayaa sheegay in casharo badan laga bartay isku-daygii afgembi ee dhacay December 27.
Waare ayaa xusay in dhacdadii Dec 27 ay ahayd mid Farmaajo ku tusiyay shacabka Soomaaliyeed damiciisa inuu rabo xukunka inuu sii haysto, taasoo lagu buraarugsan yahay.
Wuxuu ka digay in mar 3aad la sugo inuu Farmaajo isku-day afgembi sameeyo, isagoo ku eedeeyay Madaxweynihaha mudo-xileedkiisu dhamaadey in si bareer ah sharciga ugu tuntay.
Haddii fursad kale uu helo Farmaajo waxaa siiyay Rooble, sababtoo ah wax u haray oo qiil ah ma jiro," ayuu yiri waare.
Hadalka Waare ayaa yimid xili siyaasiyiin iyo Mushariixinta oo dhawaan kulan ku yeeshay Muqdisho soo jeediyeen in Farmaajo laga saaro Madaxtooyadda, si doorasho u dhacdo.
Inkastoo uu isku dayo sameynayo Rooble, haddana wali waxaa muuqata in Farmaajo haysto awood badan dhanka Ciidanka, sida inuu maamulo NISA iyo Militeriga, oo isku difaacayo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.