Waare oo Xabsi Guri lagu geliyey Muqdisho

Fahad Yaasiin ayaa u diyaariyay HirShabeelle Madaxweyne kasoo jeeda Beesha Abgaal, isagoo xilkaasi ka weeciyay Xawaadle, oo tan iyo aas-aaskii Maamulkan Madaxweyne ka ahaa.

Warar Keydmedia Online
 Waare oo Xabsi Guri lagu geliyey Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Villa Somalia ayaa xabsi guri Muqdisho ku gelisay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ee HirShabeelle xilli ay Jowhar ka socoto qaban-qaabadda doorashadda Maamulkiisa.

Illo lagu kalsoon yahay, oo ku dhaw Madaxtooyadda ayaa Keydmedia Online u sheegay in Maxamed Cabdi Waare loo diiyay inuu ka baxo Muqdisho, kadib markii uu kasoo horjeestay jadwalka doorashadda ee uu soo saarey gudiga farsamadda HirShabeelle.

Xogta ayaa sheegaysa in go'aanka lagu xanibay Waare uu soo saarey Fahad Yaasiin, oo la sheegay in isaga iyo Farmaajo isla wadaan nin kasoo jeeda beesha Abgaal oo ay Madaxweyne uga dhigayaan HirShabeelle.

Ujeedka ayaa ah in Muqdisho lagu sii hayo Waare oo mudo-xileedkiisa dhamaadey 17-kii bishan, illaa laga dhameynayo howsha doorashadda Xildhibaanada iyo Madaxweynaha Cusub.

Maalmo kahor, Keydmedia Online ayaa soo qortay [Halkan ka akhri] in Farmaajo uu kulan natiijo la'aan kusoo dhamaadey la qaatey Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Xasan oo ka diiday Madaxweynaha in beeshiisa laga wareejiyo sanadkan xilka Madaxweynaha. 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.