Waddooyinka Muqdisho oo la xiray

Muqdisho (KON) - Waddooyinka ugu Muhiimsan Caasimada oo isku xira Magaalada ayaa xiran Saakay, waxaana Waddooyinka Muqdisho oo dhan lagu arkayaa Ciidammo tiro badan.
Warar Keydmedia Online

Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugida ayaa Saaka xiray Waddooyinka isku xira Magaalada Muqdisho, waxaana loo diiday Gaadiidka in ay maraan Waddooyinka.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka Ammaanka ee maamulka Banaadir ayaa u sheegay Warbaahinta in sababta Waddooyinka loo xiray ay tahay feejignaan dhanka Ammaanka ah oo ciidanka dowladda la galiyay iyo soo dhaweynta Madaxweynaha.

Xirnaanshaha Waddooyinka ayaa waxay saameyn ku yeelatay isu socodkii gaadiidka ee Muqdisho ka baxa iyo kuwa soo gala oo gebi ahaanba xaniban.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan ku sugnaa Dalka Mareykanka ayaa Maantay dib ugu soo laaabtay Dalka.

Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxay soo mareen intii ay safarka ku jireen dalalka Belgium, Talyaaniga iyo sidoo kale Mareykanka, halkaasoo ay kaga qaybgaleen shirar kala duwan.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.