Wafdi ka socdo dowladda oo gaaray Beledweyne

Wafdigaan ayaa Beledweyne u tegay indha-indheynta howlaha ka socdo garoonka diyaaradaha Uagaas Khilaafka ee Beledweyne. 

Warar Keydmedia Online
Wafdi ka socdo dowladda oo gaaray Beledweyne

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa goordhaweed lagu soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Xukuumadda Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Qorshaha wafdigaan ayaa ah indha-indheynta howlaha ka socdo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliifa ee Beledweyne oo dhawaan shaqo joogin lagu sameeyay, kadib shil Diyaaradeed oo ka dhacay gudaha garoonka.

Sidoo kale, Wafdigaan ayaa waxaa qeyb ka ah Maareeyaha Hay’adda Duulista Raydika Axmed Macalin Xasan, Wasiir ku xigeenka Duulista iyo Hawada Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale, waxaana la filayaa in ay madaxda ugu sarreysa maamulka Hiiraan la kulmaan. 

Garoonka Ugaas Khaliifa ayaa la sheegayaa in howlo dib u habeyn ah lagu sameeyn doono, iyadoona loo tababari doono shaqaalo xirfadeysan oo ka howlgalka garoonka. 

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.