KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wafdiga ayaa waxaa hogaaminaya kuxigeenka Ergayga Gaarkaa ee QM Soomaaliya u qaabilsan Filib nasaraani,waxaana ay kulan la qaateen Maamulka Degmada Xudur.
Gudoomiyaha Degmada Xudur Max’ed Macalin ayaa Keydmedia online u sheegay in ay Wafdiga QM ka socda ay ka wada hadleen Arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Gar-gaar la gaarsiiyo Dadka ku dhibaateysan degmada Xudur.
Degmada Xudur ayaa dhawaan waxaa laga Xoreeyey Maleeshiyada Kooxda Al-shabab,waxaana ka jira Xaalad Nololeed oo aad u daran.
Dhawaan waxaa Degmada tagay Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/laahi Goodax barre,kuwaa oo u soo kuur galay Xaalada Dhabtaa.
Keydmedia online - xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.