KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ergadii soo dooratay Baarlamaanka 10aad ee hadda shaqeynaya ayaa isku dhiibey intooda badan Al-Shabaab, iyagoo dhawaan looga yeeray degaanada Kooxda ay maamusho, halkaasoo lagula soo ballaamay inaysan doorasho dambe ka qeyb-qaadan.
MUQDISHO, Soomaaliya - Mahad Salaad oo kamid ah Gollaha Shacabka ayaa su'aal ka keenay kalsoonida lagu qabi karo ergada dooranaysa Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad, maadaama qaar kamida odayaashii dhaqanka ee doortay Baarlamaanka 10aad ay 2019 la kulmeen Al-Shabaab.
"Sidee looga ilaalinayaa odoyaashii iyo ergadii isku dhiibay Alshabaab in ay ka soo mid noqdaan kuwa hada wax dooranaya, si inta u soo xulaan ergo Alshabaab aysan u soo dooran Xildhibaan Alshabaab ah?," ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.
Wuxuu kaloo su'aal ka keenay halka laga keeni doono 83-da kun ee wax dooran doono, oo ay noqoto in la helo loo baahan yahay cida damaanad ka ah amniga noloshooda, si aysan u marin wadadii ay mareen kuwii iyaga ka horeeyay, oo noqday kuwa la dilay, kuwa dalka ka cararay, kuwa gudaha ku dhuumaalaysanaya iyo kuwa isku dhiibay Al-Shabaab.
Doorashadda soo socoto ayaa la isku afgartay in Ergada kursi kasta noqoto 301 oo ka imanaysa beesha kursiga wadaagta, taasoo hortaalla caqabado badan, oo ay kamid yihiin amaanka, dhaqaalaha iyo isku keenida ergada gobollada kala duwan ku sugan.
Dawlada ma aysan samayn hannaan lagu sugo amaanka odayaasha soo xula xildhibaanada baarlamaanka, balse xildhibaanadan ayaa hela xasaanad iyo amnigooda oo la sugo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.