Walaac laga qabo in Fahad Yaasiin kusoo laabto Villa Somalia

Sirdoonka dalalka deriska, sida Kenya iyo Itoobiya ayaa diiday inay la shaqeeyaan Fahad Yaasiin mudadii saddexda sano, ee uu agaasimaha ka ahaa hay'adda NISA.

Warar Keydmedia Online
Walaac laga qabo in Fahad Yaasiin kusoo laabto Villa Somalia

MUQDISHO, Soomaaliya - Qubarada Amniga Geeska Afrika ayaa ka digaya in Fahad Yaasiin uu markale kusoo laabto xukunka iyo siyaasadda, maadaama uu mudadii shanta sano ee Villa Somalia joogey uu si dhaw ula shaqeeyay Al-Shabaab, oo xubnihii ugu badnaa ay galeen hay'adda NISA, kuwaasoo fududeeyay weeraro iyo dilal ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya;

Markii la arkay fekerkiisa xagjirka iyo sooyaalkiisa taageerada kooxihii Islaamiyiinta ee ka dagaalamayay Soomaaliya 20-kii sano ee lasoo dhaafay, laga soo billaabo Itixaad Al-Islaamiya, Maxkamadihii illaa Al-Shabaab, Sirdoonka dalalka deriska, sida Kenya iyo Itoobiya ayaa diiday inay la shaqeeyaan Fahad Yaasiin mudadii saddexda sano, ee uu agaasimaha ka ahaa hay'adda NISA.

Fahad ayaa la sheegay inuu maalgeliyay weeraro dhowr ah oo Kenya ka dhacay xiligii uu socday khilaafkii Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, kaasoo salka ku hayay arrimaha Jubbaland oo xukuumadda Nairobi aad u taageerto Axmed Madoobe, oo Villa Somalia la gashay dagaalkii ugu adkaa 2020-2021, iyadoo xitaa diyaaradaha laga joojiyay Kismaayo.

Fahad Yaasiin ayaa dhowr jeer tagey Itoobiya, isagoo raadinayay xulufo iyo wadashaqeyn inuu la sameeyo madaxda hay'adda Sirdoonka dalkan, balse sida wararku ay sheegayaan lagu gacan-sayray dalabkiisa, iyadoo Kenya billowgiiba ka shakisay ninkan u shaqeeya Qatar oo argagaxiso taageer ah, oo albaabada kasoo xiratay.

Dilal dad muhiim ah oo feker ahaan Farmaajo kasoo horjeeday loogu geystay Muqdisho, ayaa la rumeysan yahay inuu soo maleegay Fahad, iyadoo gudaha NISA lagu khaarijiyay Saraakiil badan, oo ugu dambeysay Ikraan Tahliil, oo sanadkii tagey loo dilay inay haystay macluumaadka dhalinyaradii tababarka loogu qaadey Eritrea, ee aan weli soo laaban iyo dilkii AUN Eng Yariisow.

Digniinta ayaa imaanaysa xili Fahad iyo dowladda Qatar ay isla falan-qeynayaan saddex Musharax oo miiska u saaran, oo uu ku jiro Farmaajo, oo rajada laga qabo inuu soo laaban karo aad u yartahay iyo labo Musharax oo kale, kuwaasoo safaro qarsoodi iyo kuwa rasmi ah ku tagey dhawaan Doha.

Soo laabashadda Fahad ee siyaasadda Soomaaliya ayaa ka dhigan Al-Shabaab oo ku xoogeysatay gobolka Geeska Afrika iyo amniga oo faha ka baxa, waxaana laga digay in ninkan iyo Kooxdiisa kusoo laabtaan Villa Somalia.

Fahad oo dululaal u ah Qatar ayaa maalgeliyay doorashooyinkii Xasan Sheekh iyo tii Farmaajo, waxuuna aaminsan yahay in kursiga ugu sareeya Soomaaliya lacag ku iibsan karo marwalba.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.