KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Qaraxan Bambaanada ayaa la sheegay in uu khasaaro kala duwan u geystay Ciidamada Maamulka Puntland oo gacanta ku haya Saldhiga Xaafada Garsoor ee Waqooyga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Booliska Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in Weerarkaasi ay ku dhinteen Labo Askari, inkastoo Warar Madaxbanaan ay sheegayaan in ugu yaraan 5 Askari ay ku dhinteen Weerarka.
Qaraxa kadib ayaa Ciidamada Maamulka Puntland waxey howlgallo ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo Iyadoona la sheegay in ay ku soo qab qabteen dhalinyaro qaarkood lagu tuhmay Weerarka Bamka ahaa.
Ilaa iyo hada majirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Puntland ee Magaalada Gaalgacyo.
Keydmedia Online - Gaalkacyo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.