KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Maxamed Nuur Gacal ayaa sheegay in Kal-fadhiga Labaad ee Baarlamaanka Galmudug uu furmi doono 27-ka Bishan, waxaana lagu wargeliyay Xildhibaanada oo Fariinta loo diray Dhamaantood.
DHUUSAMAREEB - Waxaa la shaaciyay maanta oo Axad ah goorta rasmiga ee uu furmi doono kal-fadhiga 2aad ee Baarlamaanka Galmudug, oo loo asteeyay 27 August 2020.
Gudoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Nuur Gacal ayaa waxaa lagu sheegay iMadaxweyne Qoor Qoor uu Khudbad ka jeedin doono furitaanka, sidaasi darteeda lagu wargeliyay dhamaan Xildhibaan inay soo xaadiraan.
Kal-fadhiga ayaa dib u dhacay furitaankiisa, sababo la xiriira COVID-19 iyo Galmudug oo martigelinaysay shirarkii u dhaxeeyay Maamullada iyo Dowladda Federaalka, kuwaasoo lasoo gaba-gabeeyay Jimcihii lasoo dhaafay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.