War cusub oo kasoo baxay Xafiiska Farmaajo

Farmaajo ayaa ku guuldareystay inuu qabto Shirka, oo maanta ay ahayd mudadii uu u qabtay inuu ka furmo Caasimada dalka, ee Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
War cusub oo kasoo baxay Xafiiska Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdirashiid Maxamed Xaashi, madaxa warbaahinta Xafiiska Farmaajo ayaa shaaciyay inuu baaqdey shirkii la filayay inuu Maanta Sep 18 ka furmo Muqdisho.

Shirka oo la flayay inay isagu yimaadaan Gollaha Amniga Qaran, oo ka kooban Farmaajo iyo Madaxda Maamullada, ayaa sida uu sheegay Cabdirashiid dib loo dhigay muda uusan cayimin.

Wuxuu xusay in Xafiiska Farmaajo uu dib kasoo sheegi doono jadwalka cusub ee shirka, kaasoo ujeedka loo qabanayo ahaa inuu Fahad horkeenno warbixin cadeymo wadata oo ku saabsna dilka Ikraan Tahliil.

Farmaajo ayaa ku fashilmay inuu shirka iyo kuwa ka horeeyay uu qabtay, kadib markii Madaxda Maamullada ay soo ajiibi waayeen casuumaadiisa, iyagoo u arka inuu yahay Madaxweyne mudo-xileedkiisu dhamaadey, oo aan ku fadhin wax sharciyad ah.

Madaxda Maamullada waxay shalay sheegeen inay aqoonsan yihiin Rooble, oo isaga kaliya casuumaadiisa ku imaan doonaan, iyadoo dhanka kale ku baaqey in khilaafka jira la dhameeyo, si uusan saameyn ugu yeelan doorashooyinka billowga ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.