WAR DEG DEG AH Wasiirka Arimaha Gudaha oo Geeriyooday

MUQDISHO (KEYDMEDIA) Sida uu xaqiijiyay wasiirka warfaafinta boostada iyo is gaarsiinta xukuumada KMG ah Soomaaliya oo la hadlay idaacadaha waxaa daqiiqado ka hor isbitaalka Madiina ku geeriyooday wasiirkii arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumada KMG ah C.shakuur Shiikh Xasan Faarax.
Warar Keydmedia Online

Wasiirka  ayaa ku geeriyooday isbitaalka madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana iminka ku sugan isbitaalka xubna ka mid ah ehelada iyo qaarabada wasiirka.

Kooxda shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qarax, waxaase dadka qaar ay rumeysan yihiin in qaraxa ay ku lug leeyihiin Saraakiil Dowlada ah. (Keydmedia Arintaas wee sii Baareysaa)

Alle ha u naxriistee C.shakuur Shiikh Xasan Faarax waxa uu ka mid ahaa wasiirada ugu dhaq dhaqaaqa ruun xukuumada uu madaxda ka yahay Max’ed C.llaahi Farmaajo, waxaana bilowgii bishan ugu baaqay dhamaan talisyada ciidamada dowlada in ay wax ka qabtaan ciidamada maalaacyacniga hubka kula wareegaya magaalada.

Bishii june ee sanadkii 2009 ayeey aheyd kolkii sidan oo kale loo dilay wasiirkii ammaanka qaranka ee dowlada KMG ah Cumar Xaashi Aadan oo ka tirsanaa wasiiradii ugu firfircoonaa ee xukuumadii xiligaasi jirtay.

WWW.KEYDMEDIA.NET

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.