KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Qoor-Qoor ayaa ku guuldareystay inuu joojiyo dhiiga shacabka Galmudug ee micna-darada lagu daadinayo iyo dagaalka sokeeye ee Galgaduud.
GURICEEL, Soomaaliya - Fahfaahin dheeraad ah oo Keydmedia Online ka heshay dagaalka Galgaduud ayaa sheegaya in wali rasaas teel-teel ah laga maqlayo magaaladda Guriceel.
Dagaal xoog leh ayaa saakay ka qarxay nawaaxiga degmadda, kaasoo billowday markii Ciidanka Farmaajo Muqdisho kasoo diray oo ay wehliyaan kuwa Galmudug ay weerar qaadeen.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dagaalka uu istaagay, balse xabado goos-goos ah ay socdaan, iyadoo Ciidanka soo duulay iyo kuwa Ahlu Sunna isku horfadhiyaan Ceel Cali.
Tuulada Ceel Cali waxay ku taallaa duleedka waqooyi ee Guriceel, halkaasi waxaa difaacyo adag ka sameystay xoogaga Ahlu Sunna oo iska caabinayaan Ciidamada soo weeraray.
Dagaalkii xoogiisa wuxuu ka dhacay degaanka Xero-Xoosh, waxaana jirar khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaarey, inkastoo aan tirada la ogeyn.
Warbaahinta DF ayaa sheegtay in Ahlu Sunna laga saarey degmada, balse warkan Keydmedia waxay isku dayaysaa inay xaqiijiso, waxayna xiriiro la sameynaysaa dadka degaanka.
Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ku guuldareystay inuu joojiyo dhiiga shacabka Galmudug ee micna-darada lagu daadinayo iyo dagaalka sokeeye ee ka qarxay gobolka Galgaduud.
Wasiirkii amniga ee xilka iska-casiley Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Qoor-Qoor uu diiday wadahadal in lagu dhameeyo tabashadda Ahlu Sunna, kadibna uu qaatey wadada dagaalka.
Fiqi ayaa xusay in Farmaajo horey u diiday Ciidan inuu u diro koonfurta Mudug si Al-Shabaab loo ciribtiro, laakiin Ciidan badan u daabushay Galgaduud si Ahlu Sunna loo baabi'iyo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.