KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab ay weerar xooggan ku soo qaadeen fariisimo ay Ciidamo Dowladda ku leeyihiin deegaanka Goof-gadood ee duleedka Baydhabo, waxaana dagaalka oo markii u dhaxeeyay Shabaab iyo Ciidamada Dowladda markii dambe ku soo biiray Ciidamada Itoobiya taasoo keentay in laga awood roonaado Maleeshiyaadka Shabaab.
Mahad C/raxmaan oo ah Taliyaha Ciidamada Dowladda ee gobbolka Bay ayaa KON u sheegay in dagaalka oo ay soo qaadeen Shabaab ay markii dambe ku guuleysteen inay jabiyaan, isagoo xusay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen Maleeshiyaadkii Shabaab.
"5 nin ayaan ka dilnay, dagaalka iyaga ayaa nagu soo qaaday, waxay soo weerareen fariisimo aan ku leenahay deegaanka Goof-gaduud, khayaanadii ayaa la rogmatay,"ayuu yiri Mahad .
Kooxda Shabaab wali kama aysan hadlin dagaalka maanta ay la galeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.
Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.