Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaallo Xooggan oo xalay Ka Dhacay Gedo

Garbahaareey (KON)- Wararka saaka naga soo gaaray magaalada Garbahaareey ee xarunta gobbolka Gedo ayaa soo sheegay in xalay uu duleedka magaaladaasi dagaal xooggan ku dhex maray Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Ahlu sunna iyo Maleeshiyaadka kooxda Shabaab.
Warar Keydmedia Online

Dagaalkaan ayaa waxaa soo qaaday Maleeshiyaadka kooxda Shabaab kuwaasoo weeraro la beegsaday fariisimo ay Ciidamada Dowladda iyo Ahlus unna ay ku leeyihiin duleedka magaalada Garbahaareey.

Guddoomiyaha Degmada Garbahaareey Iimaan Cadoow Kaarshe ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid kooban islamarkaana ay soo qaadeen Shabaab balse ay iska caabin ku sameeyeen.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaan xalay ka dhacay duleedka magaalada Garebahaareey, waxaana saaka deggan xaalada duleedka magaalada Garbahaareey.

Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.