KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dagaalka saaka ayaa qarxay kadib markii Ciidamada huwnata ah ay weerar ku soo qaadeen difaacyada kooxda Shabaab ee deegaanka Janaa-cabdalle waxaana halkaasi ka dhashay dagaal aan waxbo la iskula harin oo aad u xooggan.
Warar madax banaan oo ay helayso Keydmedia ayaa sheegaya in dagaalka ka dhacay deegaanka Janaa-cabdalle uu ka dhashay khasaarahii ugu ballaarnaa ee muddooyinkaan ka dhasha dagaalada Maleeshiyaadka shabaabka iyo dhiancyada kasoo horjeeda ku dhexmara gobolada dalka ee ay hawlgaladu ka socdaan, ayadoona dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo aan waxbaba la iskula harin.
Ilo wareegdyo madax banaan ayaa Keydmedia u xaqiijyay in dhimashada ka dhalatay dagaalka ka dhacay deegaanka Janaa-cabdalle ay ka badan tahay 50qof oo isugu jira dhinacyada dagaalamay .
Ma jiro wax khasaare ah oo dadka deegaanka soo gaaray maadaama deegaanka dagaalka uu ka dhacay ay dadku horay uga barakaceen.
Kooxda Shabaab oo dagaalka ka hadashay waxaa ay sheegatay guulo iyo inay qabsatay hub iyo baabuur dagaal, Ciidamadii soo duulayna ay jabisay.
Dhanka Ciidamada huwanta ah wali kama aysan hadlin dagaalada maanta ka dhacay duleedka deegaanka Janaa-cabdalle oo 60KM u jira magaalada Kismaayo.
Waxaa jira warar sheegaya in Ciidamada huwanta ah ay la wareegeen guud ahaanba gacan ku heynta deegaanka Janaa-cabdalle iyo goobihii ay dagaaladu ka dhaceen maanta.
Keydmedia Online -Xafiiska,Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.