KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Sida ay wararku sheegayaan labo kamid ah gaadiidkii dagaalka ee ay wateen Ciidamada Itoobiya ayaa lagu gubay kadib weerar gaadma ah oo ay dagaalyahano Shabaab ka tirsan ay ku qaadeen Ciidamada Itooobiya oo marayay deegaanka Awdiinlle ee duleedka Baydhabo.
Marka laga soo tago gaadiidka laga gubay Ciidamada Itoobiya waxaa sidoo kale jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Ciidamada Itoobiyaan.
Sikastaba, dagaal kale oo shalay Ciidamada Kenya iyo Al shabaab ku dhexmaray deegaano ka tirsan Gedo ayaa wuxuu sababay khasaare xooggan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.