Warbixin: Qaraxii Isgoyska KM4 & Khasaaraha oo sii kordhaya

Muqdisho (KON) Weerarka Al-Shabaab ay maanta ka geesteen magaalada Muqdisho ayaa wuxuu yimaaday xili maalmihii ugu danbeeyay magaalada ay ka socdeen howlgalo isla markaana ciidamada amaanka ay xireen wadooyinka Muqdisho.
Warar Keydmedia Online

 

Waxaa la dhihi karaa waa la sii ogaa inuu dhici doono weerarkaan, waxaana ciidamada amaanka ay haayeen xogo ku aadan in ay magaalada ka dhacayaan qaraxyo oo ay geesanayaan Al-Shabaab.

Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale wali ku sugan xarumaha dowlada oo ay si aad ah u ilaalinayaan, waxaana laga cabsi qabaa in ay dhacaan weeraro kale oo Al-Shabaab ay ka geestaan caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay mudadii ay xirnaayeen wadooyinka Muqdisho in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen walxaha qarxa, sidoo kalana ay ka hortageen weeraro qorsheesan.

Ninka ugu sareeya maleeshiyada Shabaab Axmed Godane isla markaana Al-Shabaabku ay ugu yeeraan Abuu Subayr oo fariin maqal ah soo diray ayaa wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay sii wadi doonaan weerarada iyo dagaalada ay kula jiraan dowlada Soomaaliya.

Daahir C/qaadir oo ah siyaasi Soomaaliyeed horayna kaga tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wax ceeba ay tahay qaraxa maanta ka dhacay Muqdisho, xili dowladu ay horay u sheegtay in ay heeso tuhuno ah in magaalada ay ku soo fooleeyihiin weeraro ay geestaan Al-Shabaab.

Khasaaraha ka dhashaay weerarka KM4.

Waxaa haatan sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxa maanta ka dhacay isgoyska kM4 ee magaalada Muqdisho waxaana haatan in la ogyahay la xaqiijiyay dhimashada 15-ruux halka dhaawacana uu ka badanyahay ilaa iyo 25-ruux oo kale.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay u badanyiin dad shacab ah oo xiligaasi ka agdhowaa halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana lagu dabiibayaa isbitaalada magaalada Muqdisho.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.