Wariye Gurbiye oo Xabsiga Dhexe laga sii daayay

Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xariga Wariyaha, oo katirsan Warbaahinta Goobjoog FM ee magaaladda Muqdisho.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, ayaa maanta oo Khamiis ah sii daysay Wariye C/casiis Gurbiye, oo shalay lagu xukumay Lix bilood oo xabis ah iyo ganaac lagaceed oo $200 ah.

Gurbiye ayaa dib u helay xoriyadiisa kadib markii uu iibsaday xabsigii lagu xukumay, oo 2 bilood iyo bar uga hartay, maadaama 3 bilood iyo bar si damiin ah banaanka ku joogay, oo dhaq-dhaqaaqiisa lagu xakameeyay, loona diiday inuu baraha bulshada qoraallo soo dhigo.

Hay'adaha u dooda xuquuqda Suxufiyiinta ayaa cadaadis xoog leh ku saarey Maamulka Farmaajo sii deynta Gurbiye, oo aad loo cambaareeyay gudaha iyo dibadda, maadaama uu ahaa mid siyaasaadeysan, oo baalmarsan sharciga dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.