Wariye lagu xiray Baladweyne

Wariye ka tirsan howl-wadeenada Raadiyo Hiiraanweyn iyo dhallinyaro kale ayaa lagu xiray saldhigga degmada Baladweyne ee Hiiraan.

Warar Keydmedia Online
Wariye lagu xiray Baladweyne

BALADWEYNE, Soomaaliya - Saddex ruux oo mid kamida yahay Wariye Xasan Maxamed Goosaar oo ka mid ah howl-wadeenadda Raadiyo Hiiraanweyn, iyo laba ruux oo dhalinyaro ah ayaa lagu xiray xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

Dhallinyarada ayaa lagu soo eedeeyay in at wadeen shirar looga soo horjeeday maamulka Hirshabeelle kuwaasoo qaban-qaabo xoog leh ugu jiray sidii loo qaban lahaa isku soo baxa! Dhallinyarada ayaa lagu kala magacaabaa Dr. Guure Cabdi iyo Cabdiraxmaan dhegaweyne.

Laamaha Amniga ee Hirshabeelle ayaa ka war helay inay warren dhallinyaradan abaabul ku aadan banaanbax looga soo horjeedo Maamulka Hirshabeelle, waxana lagu xiray Saldhiga Booliska degmada Beledweyne.

Bulshada iyo siyaasiyiinta ku dhaqan Baladweyne ayaa si aada uga soo hor jeeda maamulka Hirshabeelle, waxayna horay udiideen in uu yimaado magaalada Baladweyne Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo intii la doortay aan marnaba cag soo dhigin Baladweyne!

Inkastoo wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta dowladda Soomaaliya Mukhtaar iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Daba-geed ay isku dayeen in ay ka dhaadhiciyaan in la qanciyo bulshada Baladweyne ayaa haddama ku guul darreystay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.