KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wariye Jiijiile ayaa ka mid ahaa wakiilada Rooyal TV ee magaalada Kismaayo, iyadoona kooxo ku hubeysan bastoolado weerar ay ku soo qaadeen Xilli uu ku sugnaa Xaafada farjano ee magaalada Kismaayo, isla markaana ay isku dayeen in ay Dilaan.
Mid ka mid ah kooxihii soo weeraray ayee kacanta ku Dhigeen Qaar ka mid ah ciidanka xooga Dalkaa oo fariisin ku lahaa Agagaarka dhaawaca loogu geystay wariye jiijiile. Iyadoona haatan kacanta lagu hayo danbiilahaasi dilka u geysanlahaa wariyaha.
Qoyska Wariye C/qaadir C/risaaq Jaamac ayaa waxaa ay sheegeen in uu maalmahaani oo dhan wariyahu sheegayay in ay u hanjabayaan rag ka mid ah Ururka Raaskanbooni ee haatan sheeganayya in ay hayaan talada maamulka jubbaland, iyadoona qoyska ay carabka ku dhifteen in uu ragaasi ka mid yahay afhayeenka maamulka Jubbaland sheeganaya C/naasir Seeraar.
Dhanka kale dhaawaca wariyahaani ayaa war saxaafadeed ka soo saaray garab ka mid ah ururada sheeganaya suxufiyinta qaranka Soomaaliyeed ee marka magacooda lasoo gaabiyo lo yaqano NUSOJ ee uu Xoghayaha ka yahay Maxamed Ibraahin Bakistaan, iyadoona ay canbaareeyeen shirqoolka lagu doonayay in lagu dilo wariyahaani madaxa banan.
NUSOJ ayaa waxaa ay ku baaqday in baaritaan dag dag ah lagu sameyo falkasi iyo Cidda ka danbeysa shirqoolkasi lagu doonayay in lagu qaarijiyo C/qaadir C/risaaq Jaamac (Jiijiile).
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.