Wariye Maalintii 3-aad ku xiran Boosaaso

BOOSAASO(KEYDMEDIA) Waxaa maalinkii 3-aad xabsi ku yaala Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka bari ku xiran Wariye Feysal Max'ed Xasan (Boostoon) oo la shaqeynayay shabkada internetka ee Hiiraan.
Warar Keydmedia Online

Saraakiil ka tirsan maamulka C.raxmaan Faroole ayaa waxa ay ku eedeeyeen Suxufiga inuu ka been sheegay war ku saabsan dad la gawracay oo  la soo dhigay duleedka Boosaaso, waxaana ay hoosta ka xariiqeen in ay taasi Tahay sababta xariga.

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta bari Burhaan Axmed Daahir ayaa sheegay in arinta Suxufiga ay iminka ku howlan yihiin isla markaana ay ku dadaalayaan sidii xabsiga looga sii deyn lahaa Suxufigaas.

Inta badan suxufiyiinta ka howl gala Deegaanada uu ka taliyo Maamulka C.raxmaan Faroole ayaa waxa ay la kulmaan dhibaatooyin fara badan oo isugu jira xarig, caga jugleyn iyo handadaad.

WWW.KEYDMEDIA.NET

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.