KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wariye Shuuriyaako ma jiro wax daryeel Caafimaad rasmi ah oo uu helay marka laga reebo kaalmo dhayid oo uu ka helo Isbitaalka Madiino, waxaana xaalada Saciid Shire Warsame ay tahay mid aad u liidato una baahan in ay Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u soo gurmadaan.
Warbaahinta Keydmedia oo saaka ku booqatay Saciid Shire Warsame Isbitaalka Madiin ayaa waxaa ay halkaasi kula kulan tahay Wariyaha wuxuuna sheegay in hadda aysan jirin cid kaalmo caafimaad iyo mid dhaqaale oo la taaban karo uu ka helay, isagoo dhamaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ka codsaday in la caawi.
Wariyaha ayaa hadda dhaawacyada ugu daran waxay kaga yaalaan, Lugaha iyo Dhabarka, waana dhibaatadii ka soo gaartay qarixii Tiyaatarka.
Caawi Walaalkaa Saciid ShireWarsame Shuuriyaako:
Saciid Shire Warsame Shuuriyaako hadda waa curyaan ku naafooway Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay xarunta Murtida iyo madadaalada Qaranka ee magaalada Muqdisho, mana heysto daryeel caafimaad oo dhab.
"Waxaan dadka Soomaaliyeed ee walaalahey ah ka codsanayaa in qofkii awooda inuu i caawiyo, hadda daryeel caafimaad ma heysto, waxaan u baahanahay caafimaad dibada ah, dalka gudihiisa wax waa la iiga qaban waayay," ayuu yiri Saciid ShireWarsame Shuuriyaako isagoo la hadlay Keydmedia Online.
- Aaway Idaacadii Shabeelle Ee Uu Ka Tirsanaa.
Qof kasta marka uu caafimaad qab yahay ayaa loo baahanyahay maskaxdiisa iyo xoogiisa.
Saciid ShireWarsame Shuuriyaako wuxuu noo sheegay inaysan jirin masuul ka tirsan Idaacadii uu la shaqeenayay oo u yimid ama kaalmo soo gaarsiiyay taasoo ka dhigeysa in wariyaasha Soomaaliyeed ee hadda dalka ka howlgala aan dan iyo aabo laga lahayn.
Haddaba qofkii doonaya inuu caawiyo Wariyahaan dhibaateysan ha la xariiro: Saciid Shire Warsame Shuuriyaako Isbital Madina ama xariir@keydmedia.net
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho





Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.